Beledweyne, (insidesomalia.org)-Warar ku dhaw dhaw Maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegayo in ay soo gaareen duleedka Magaalada Beledweyne deegaanka janto-kundisho, halkaasoo shalay ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo guuray Degmada Bulo-burte ee isla Gobolka Hiiraan, kuwaasoo dagaal ku qabsaday inta u dhaxeyso deegaanka Garasyaani iyo Nuur fanax.
Xubnaha ka tirsanaa Maamulkii hore ee Gobolkan Hiiraan oo uu hogaaminayo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa sida ilo ku dhaw dhaw ay inoo xaqiiyeen waxaa ay yimaadeen deegaanka janto kundisho oo dhinaca bari ka xigto Magaalada Beledweyne,halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ay soo gali doonaan gudaha Magaalada beledweyne, iyadoo laga cabsi qabo in imaanshahooda ay ka dhalato dagaal ay kala hortagaan kooxaha ka soo horjeeda siyaasada Dowladda iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya oo sida laga warqabo haatan ku sugan gudaha iyo hareeraha Gobolka Hiiraan.
Dadka ku dhaqan gudaha iyo daafaha Magaalada beledweyne ayaa cabsi xoogan ka keenay imaanshaha Xubnaha ka tirsanaa Maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan, iyadoo sidoo kale xalay dadka beledweyne ku jiifteen cabsi xoogan.
Cabsida ugu weyn ee ay qabaan dadka ku nool Magaalada Beledweyne ayaa ah in qaraxyadii iyo weeraradii gaadmada ah ay ku soo laabtaa Magaalada haddii ay gudaha u soo galaan xubnahan Maamulkii hore iyo Ciidamada Itoobiyaanka ee haatan ku sugan xarunta janto-kundisho, waxayna dadki diidan yihiin in ay soo laabtaan xubnaha uu horkacayo Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed.
Waxaana xaafadaha u dhaw deegaanka janto-kundisho ee ka tirsan Magaalda Beledweyne ka jirto casi weyn, iyadoo dadkii ku dhaqanaa xaafadaasi ay bilaabeen in ay ka cararaan guryahooda sida xaafadaha Nuur xawaad, Xaawo taako, iyo Dhagax jibis oo intuba dhabarka kuhaya Janto-kundisho ee haatan fariisinku u ah Ciidamadii ka oo guuray Degmada Bulo-burte ee Gobolkan Hiiraan.
Saka waxaa gudaha Magaalada Beledweyne ka dhacay dibad bax weyn oo looga soo horjeedo arrintaasi kaasoo ay ka soo qeyb galeen dad u badan haween iyo caruur, kuwaasoo ku dhawaaqay hadalo ka dhan ah xubnahan Maamulkii hore ee saaka soo gaaray deegaanka Janto-kundisho iyo Ciidamada Itoobiyanka ah ee iyana halkaasi ku sugan
Dibad baxan ayaanan jirin cid ka hadashay sida Siyaasiinta Gobolka Odayaasha dhaqan iyo Ururada Bulshada walow dadka dibad baxa sameeyay ay si nabada ah ku marayeen wadooyinka waa weyn ee gudaha Magaalada.
Arintani ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xilli Gobolka Hiiraan uu yahay mid Maamul la'aan ah, islamarkaana ay ku soo noqnoqdeen dagaalada iyo hardanka u dhaxeeyo Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha kacdoonka wado.
Fariisinka Janto-kundisho ayaa waxaa uu noqonayaa kii labaad oo ay Ciidamada Itoobiya ku kuyeeshaan deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo horay ay ugu lahaayeen isgoyska kala-beyr..